Jan 11(Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa saaka gaaray magaalada Jabuuti, halkaas oo si rasmi ah uu ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa la filayaa inay diiradda saarto xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.
Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka uu wajahayo xiisad siyaasadeed oo maraysa marxalad isbeddel iyo isku guurguur ah.










