Ra’iisul wasaare Xamze oo xilkii ka qaaday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada

0
536

Okt 27(Jowhar)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xamze, ayaa markii uu arkay howsha baaxadda leh iyo shaqada hortaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha  Bulshada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS.

Waxaa kale oo la filayaa in isbadallo kale maalmaha soo socdo oo taabanaya Wasaarado kale oo kuwa arrimaha bulshada ah uu ku dhaqaaqo ra’iisul wasaare Xamze.