Dec 11(Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Danjire Axmed Bin Muxamad Saalax Al-muwalad.
Kulankan oo qeyb ka ahaa dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga.
Ayaa waxaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha bulshada, Dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Sacuudi Arabia ka taageerto Soomaaliya iyo doorka Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan gargaar bani’aadanimo oo la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga garab istaagga ay mar walba la garab joogto shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista maalgashiga Sacuudiga ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Dhankiisa, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caddeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, isla markaana Sacuudi Carabiya ay diyaar u tahay kordhinta taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliso dalka.
Kulanka waxaa Ra’iisul Wasaaraha Xamsa ku wehliyay Guddoomiyaha Hay’adda Maraynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale iyo masuuliyiin kale.











