Dec 24(Jowhar)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Cabdiqaadir Cali Cilmi.
Agaasimaha cusub ayaa hore usoo noqday Maareeyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda kahor inta aan looga qaadin eedo musuqmaasuq iyo tuhun xatooyo taas oo markii dambe ay ku waysay Maxakamadda Gobolka Banaadir.
Agaasime Cabdiqaadir ayaa noqonaya shaqsiga keliya ee eedayn xilka looga qaaday ee dib loogu magacaabay xil sare oo dowladeed, waxayna magacaabistiisa ka dhigan tahay in si rasmi ah looga dhaqay sumcad dilkii hore loogu sameeyay.










