Safiirka Mareykanka oo gudoomiyaha golaha shacabka kala hadlay howlaha horyaala BFS

0
1

Sep 14(Jowhar)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Richard H. Riley oo ay wehliyaan kuxigeenkiisa Justin Davis iyo Matthew Younger oo ah Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku amaanay Guddoomiyaha Golaha Shacabka hoggaankiisa iyo kaalinta uu ku leeyahay horumarinta shaqooyinka Golaha, gaar ahaan meelmarinta sharciyada muhiimka u ah dowladnimada iyo xoojinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankiisa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay kaalinta ay ka qaadato dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ugu dambeyn labada dhinac ayaa isku raacay in la sii adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.