Nov 11(Jowhar)-Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah uga guddoomay Waraaqihiisa Aqoonsiga Madaxweynaha DRC, Mudane Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo, munaasabad ka dhacday Qasriga Qaranka ee Kinshasa.
Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay dowladda iyo shacabka Congo siiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.
Safiirku waxa uu sidoo kale hambalyo u diray Madaxweyne Tshisekedi guusha ay DRC ku gaartay ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo xusay in Soomaaliya oo xubin ka ah golahaasi ay diyaar u tahay in la iska kaashado arrimaha gobolka iyo caalamka.
Danjiraha ayaa mar kale adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal. Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la aasaaso Madasha Ganacsiga Soomaaliya Congo si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga.
Ugu dambeyn Danjire Ilyaas ayaa Madaxweynaha ku dhiirrigeliyay in la fududeeyo helista rukhsadaha ganacsiga iyo fiisayaasha si loo xoojiyo isu socodka ganacsatada labada dal, maadaama ay xubin ka wada yihiin Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).










