Safiirka Tanzania oo beeniyay in lasoo celiyay xubnihii Soomaaliya ku matalayay EAC

0
1

Nov 21(Jowhar)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Ambassador Ilyaas Cali Xasan ayaa soo saaray faahfaahin degdeg ah oo ku saabsan wararka sheegayay in Maxkamadda EACJ ay go’aamisay in dib loo soo celiyo xubnihii Dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan u dooratay Baarlamaanka EALA.

Safiirku wuxuu caddeeyay inaysan waxba ka jirin wararkaasi. Wuxuu sheegay in maxkamaddu aysan wali soo saarin go’aan ku saabsan in la baabi’iyay ama dib loo celiyay xubnaha DFS soo gudbisay.

Ambassador Ilyas wuxuu sheegay in maxkamaddu kaliya dib u dhigtay waqtiga ay ku soo saari doonto go’aankeeda kama dambaysta ah ee ku saabsan dacwadda, balse aysan jirin wax xukun ah oo la fuliyay ama la shaaciyay illaa hadda.

Ugu dambeyn, Safiirka ayaa shacabka iyo warbaahinta uga mahadceliyay feejignaanta iyo sida ay u daneynayaan arrimaha Soomaaliya, isaga oo ku boorriyay in la sugo go’aanka rasmiga ah ee maxkamaddu soo saaridoonto.