Sarkaal hoggaaminayay howlgalka Calmiskaad oo lagu dilay qarax ka dhacay Qandala

0
3

Sep 23(Jowhar)-Taliyihii Howlgelinta Ciidamada kujiro Howlgalka Calmiskaad ee Puntland, isla  markaana ahaa  Taliyaha Guutada Labaad iyo Ururka Duufaan, Gen. Axmed Cabdi Qalyare.

Ayaa ku geeriyooday miino kula kacday deegaanka Dhasaan ee degmada Qandala, gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Puntlqnd iyo saraakiil ciidan.

Mas’uuliyiinta Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa xaqiijiyey geerida Jeneraalka, iyaga oo tacsi u diray eheladiisa, ciidanka, iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan. Ilaa iyo hadda lama sheegin cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.

Gen. Axmed Cabdi Qalyare wuxuu hore uga mid ahaa saraakiisha sare ee amniga ee dalka — waxa uu soo noqday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Awdal.

Intii uu kusoo jiray howlgalada amniga, waxaa lagu xusuustaa doorkii uu ka qaatay dhismaha iyo tababarka cutubyada militariga iyo taageeridda howlaha dib-u-dhiska dowladnimada, sida ay sheegeen saraakiisha iyo dadka deegaanka ee yaqaanay