Sarkaal sare oo Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan

0
60

Sep 24(Jowhar)-Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa kooxda Shabaab.

Dadka la xaqiijiyay inay ku dhinteen howlgalka waxaa ka mid ah Horjooge Cabdi Xiiray, oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Shabaab, isla markaana lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarro iyo dhagaro badan oo cadowgu ka geystay deegaanada Hirshabeelle.

Howlgalka ayaa lagu sheegay mid qayb ka ah dagaalka socda ee lagu ciribtirayo kooxda Shabaab iyo sugidda amniga gobolka Hiiraan.

Si kastaba, Ciidamadda dowladda ee garabka ka helaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa kordhiyay mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab