Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday saaka ku qaaday xerada Ciidanka ee Warshiikh

1

Jan 18(Jowhar)-Dagaal culus oo Qaraxyo ku bilowday ayay Maleeshiyaadka kooxda Shabaab Saakay kula kalaheen Xerada Melletari ee Duleedka Warshiikh.

Weerarka qaraxyada ah ka dib dagaal toos ah ayaa ka qarxay goobta iyadoo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay isku dayeen in ay gudaha u galaan Xerada.

Ciidanka xoogga dalka ayaa ka hor tegay damacii Khawaarijta, waxaana ay gaarsiiyeen jab culus.

Ilaa iyo hadda ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo werinaaya in wali la maqlaayo dhawaqa rasaasta halka dhimasho iyo dhaawacyo in ay jiraana la soo tebinaayo.

Goobta hadda dagaalku ka socdo waa mid ka durugsan Xeradii saakay Weerarku ka Bilowday.

Wixii soo kordhana halkaan kala soco.