Aug 12 (Jowhar)-Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay sii deynta Sacdiyo Macallin Cali “Sacdiyo Bajaaj” oo ay maanta maxkamada racfaanka gobolka Banaadir ay sii deysay.
Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ku sheegay in uu ku faraxsan yahay sii deynta Sacdiyo bajaaj isagoo ku tilmaamay xarigeeda inuu ahaa mid dulmi ah.
“Waxaan ku faraxsanahay in Sacdiya Macallin Cali ay maanta xorriyadeeda dib u heshay, kadib muddo afar bilood ah oo ay si dulmi ah ugu xirneed nidaamka muddo-xileedkiisu dhammaaday.”ayuu yiri Sharif Sheekh Axmed.
Waxa uu u mahadceliyay Madaxweyne Sharif Dh dhallinyarada caasimadda, warbaahinta iyo cid kasta oo garab-istaag u muujisay Sacdiyo Macallin.
Sidoo kale waxaa sii deynta Sacdiyo Macallin ka hadlay Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Waxaa uu sheegay Farmaajo in muddadii ay xirneed lagula kacay gabadood fallo aaney sii deyntu meesha ka saari karin.
Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Waa tallaabo soo dhoweyn mudan, balse ma tirtirayso gabood-falkii lagula kacay, xariggii dheeraa iyo sida hay’adaha dowladda loogu adeegsanayo caburinta dhallinyarada Soomaaliyeed,”.
“Dhallinyarada Soomaaliyeed lama cabsi gelin karo, lama aamusiin karo, mana aha dad lagu hoggaamin karo cadaadis iyo dano shakhsi ah, waxa ay leeyihiin awood, karti iyo rabitaan ay ku xaqiijin karaan Soomaaliya horumarsan”.ayuu sii raaciyay.
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta siideysay Sacdiyo Macalin Cali oo loo yaqaano Sacdiyo Bajaaj, oo horey Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu xukuntay 3 sano oo xabsi ah.
Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku sheegtay in xukunkii hore uusan ku qotomin sabab rasmi ah oo la xirriirta eedeymihii loo heystay, sidaa aawgeedna dib loogu soo celiyay xoriyadeeda.





