Jan 04(Jowhar)-Dowladda Shiinaha ayaa si adag u cambaareysay tallaabada ay Mareykanku ku qabteen Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in falkaasi uu yahay xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, isla markaana uu dhaawacayo qiyamka iyo hab-dhaqanka xiriirka dowladaha caalamka. Shiinaha ayaa ku tilmaamay arrinta mid khatar gelin karta xasilloonida siyaasadeed ee gobolka Latin America.
Wararka ayaa sheegaya in Mareykanku madaxweynaha Venezuela iyo xaaskiisa ka qabtay hoy ay ku sugnaayeen caasimadda dalkaas ee Caracas, kadibna loo qaaday Mareykanka, halkaas oo haatan lagu hayo xabsi gaar ah oo ku yaalla magaalada New York. Ilaa hadda, dowladda Mareykanka si faahfaahsan ugama hadlin sababta rasmiga ah ee tallaabadan loo qaaday.
Dhanka kale, lama oga sida ay xaaladdan u saameyn doonto xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Mareykanka, Venezuela iyo Shiinaha. Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u sheegay in xayiraadaha iyo cadaadiska siyaasadeed ee noocan ah uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka uu la leeyahay madaxweynaha Shiinaha.
Arrintan ayaa weli ah mid si weyn isha loogu hayo, iyadoo laga cabsi qabo inay sii huriso xiisadda siyaasadeed ee caalamka.










