Feb 22(Jowhar)-Shirkii ka socday Villa Soomaaliya ayaa goordhow la soo gaba-gabeeyay iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin qodobadii laga doodayay.
Dhinacyadii kulanka ka qeyb galay ayaa ku kala tagay shirkii maanta, waxaana la ogeyn in shirka sii socon doono iyo kale waxaa faahfaahin dheeraad ah laga filayaa in xubnaha golaha mustaqbalka ay la hadlaan war-fidiyeenada .
Dooda ugu culus ayaa eheyd nooca doorasho ee la aaday iyo ka laabshada wax ka bedelkii Dastuurka, taasoo labada dhinacba aan tanaasul ka sameenin.
Falanqeeyayaasha ayaa arrimahan ku micneenaya in madaxweyne Xasan uu waqti gadasho kujiro oo uu waqtiga sii dhereysanayo isagoo doonaya in is qab-qabsigan lagu gaaro bidha May










