Feb 14(Jowhar)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo shir galabta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay geedi socodka shirarkooda & rajada laga qabi karro in uu qabsoomo kulanka Villa Somalia ay casumaadiisa horey u dirtay.
Golaha Mustaqbalka ayaa xoguhu sheegayaan in ay ku adkeysteen dooda ah in aan marnaba la aqbali karin kulan ka dhaca Villa Somalia, oo aan kalsooni lagu qabi karin madaxda dawladda faderaalka.
Sidoo kale dhinacyada ayaa isku raacay markale in ay diyaar u yihiin shir dhaca, laysku yimaado lana hadlo, iyadoo doodaha ay yihiin doorashooyinka oo aysan meelna u soconin.
In ay sii wadaan kulamadooda ay la yeelanayaan qeybaha bulshada iyo xildhibaanada diidan wax ka bedelka dastuurka, iyadoo xubnaha ay isku raaceen doodahooda la xariira in talo doorasho mideysan ay ogol yihiin un.










