Dec 11(Jowhar)- Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in shirkii ay Madasha Mustaqbalka kuqabsan lahayd magaalada Nairobi uu si rasmi ah u baaqday, kaddib khilaaf gudaha ah Madasha ah.
Shirkan oo lagu waday in uu yeesho muhiimad siyaasadeed oo ballaaran ayaa waxaa muddooyinkii dambe isha si gaar ah ugu hayay bulshada iyo daneeyayaasha siyaasadda. Si kastaba ha ahaatee, khilaaf xooggan oo Madasha dhexdeeda ka dhashay ayaa sababay in gebi ahaanba dib loo dhigo.
Sida ay ilo wareedku sheegayaan, qodobbada ugu waaweyn ee la isku hayo waxaa ka mid ah:
• In shirkani muhiim u yahay Madasha iyo in kale, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha ay sheegeen in aan loo baahnayn in safar dibadda looga baxo.
• Casuumadda madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo keentay kala aragti duwanaansho xooggan, xubno katirsan Madashana ay si cad uga soo horjeesteen inuu ka qeybgalo.
Iyo Madaxda dowladda Soomalaiya oo dowladda Kenya ku cadaadiyay iney hoos u dhigaan qabsoomida shirkan.
Ilo xog-ogaal ah waxay tilmaamayaan in khilaafkan uusan weli xal rasmi ah helin, isla markaana aan la cayimin waqti kale oo shirku qabsoomi doono.
Wixii kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa.










