Sunday, August 23, 2026
Home NEWS SIyaasiyiinta mucaaradka oo si adag u cambaareeyey bakarinta shacabka degmada Yaqshiid

SIyaasiyiinta mucaaradka oo si adag u cambaareeyey bakarinta shacabka degmada Yaqshiid

24

Aug 23 (Jowhar)-SIyaasiyiinta mucaaradka ayaa si adag u cambaareyey howlgalo burburin ah oo ay ciidamada dowlada federalka maanta ka sameeyeen xaafad ka mid ah degmada Yaqshid ee magaalada Muqdisho.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen mucaaradka hotel Jazira ayaa waxaa ay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre waxa ay si adag u cambaareeyeen talaabada ay dowladu maanta qaaday ee burburinta guryo dad rayid ah taasoo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed ayaa si gaar ah waxa uu bogiisa Facebook ku yiri;
“Waxaan si adag u cambaareynayaa tallaabada gurracan ee taliska muddo-xileedkiisu dhammaaday uu arroornimadii hore ee saakay ku beegsaday shacabka xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiiid.”

Shariif Sheekh Axmed ayaa nasiib daro ku tilmaamay in ciidamada ay barakaciyaan shacabkooda.
“Waxaa sidoo kale nasiib-darro ah in ciidanka Qaranka ee loo dhisay illaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta loo adeegsaday si loo barakiciyo boqolaal qoys islamarkaana hantidooda sifo sharci darro ah loogu boobo.”ayuu yiri Madaxweyne Shariif Sheekh.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaari hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bartiisa Facebook si kulul ugaga hadlay xiisada ka jirta magaalada Muqdisho.

“Waxaa ayaandarro iyo musiibo ah in Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu boobka hantida ummadda, barakicinta danyarta iyo gumaadka shacabka u adeegsanayo ciidanka qaranka iyo hubkii loogu deeqay Soomaaliya, si loogu adeegsado dagaalka khawaarijta.”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.