Sunday, August 23, 2026
Home NEWS Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay xubno ka tirsan mucaaradka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay xubno ka tirsan mucaaradka

19

Aug 23 (Jowhar)-Kulan ay yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Iyo xubno metelayay xildhibaanada mucaaradka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo labada dhinac ay isla gaareen heshiis ka kooban afar qodob.

Kulanka kadib ayaa waxaa laga soo saaray war saxaafadeed iyadoo lagu sheegay in kulanka uu ku qabsoomayjawi deggan oo walaaltinimo leh, waxaa looga arrinsaday sidii loo dardargelin lahaa hawlaha Golaha, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta Xildhibaannada.

Qoddobada ay isku raaceen guddoomiyaha baarlamaanka Iyo xubnaha metelayay mucaaradka waxaa ka mid aha;

1. Dhexdhexaadnimada Golaha: In Goluhu u ahaado mid dhexdhexaad u ah dhammaan dhinacyada, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo loona dhowro Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

2. Midnimada Golaha: In la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo wada-shaqeynta Xildhibaannada, si hawlaha sharci-dejinta, Matalaadda iyo korjoogteynta hay’adaha Dowladda ay ugu socdaan si habsami leh oo wax-ku-ool ah si waafasan qodobka 7aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaan kasta oo ka tirsan Golaha Shacabka uu xaq u leeyahay inuu si xor ah u cabbiro aragtidiisa iyo fikirkiisa, iyadoo la dhowrayo Qodobka 28aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.

4. Ilaalinta xaadirista fadhiyada Golaha: Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mucaaradka waxay isku raaceen in si wadajir ah looga soo qaybgalo fadhiyada Golaha, si waafaqsan qodobka 23aad, farqigiisa 1aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Xildhibaannada Mucaaradka waxay ugu baaqeen dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka inay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada Baarlamaanka, xoojiyaan wadajirka Golaha, kana shaqeeyaan danta guud iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.