Somaliland oo war kasoo saartay qorshaha maxaabiis is-dhaafsiga ee Waqooyi Bari

0
55

Nov 09(Jowhar)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta sheegtey in uu meel wanaagsan marayo qorshaha siideynta maxaabiista ku kala xidhan Laascaanood & Hargeysa, tan oo imanaysa xilli xalay uu maamulka Woqooyi-bari Soomaaliya magacaabay Guddiga Nabadda & Wadaxaajoodyada oo kuwo la mid ah ay hore u samaysay SL.

Inkasta oo labada dhinac ay afka ka dhowreen soo bandhigista qorshaha wada-hadallada nabadda & maxaabiis isdhaafsiga, haddana ilaha wargalka ah ayaa tilmaamaya in lagu wado in Guddiyada Nabadda labada dhinac ay ku kulmayaan meel dalka ka baxsan kana wada-hadlayaan qorshe nabadeed oo ay ku jirto; Isdhaafsi maxaabiis, waddooyinka oo laysu furo iyo ciidamada oo la kala qaado, iyada oo ay arrimahan ay qayb ka yihiin Odayaasha Dhaqanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ku sugan Laascaanood iyo Dowladda Federaalka ah oo dooneysa in nabad la gaadho.

Somaliland ayaa u aragta Woqooyi-bari deegaan iyada ka mid ah, halka mas’uuliyiinta WB ay sheegeen in nabaddu xidhmayso marka SL ay ka laabato qodob kaasi — Waa qodobka ugu culus ee raajiyey nabad dhexmarta Laascaanood & Hargeysa.