Sep 26(Jowhar)-Warar laga helayo magaalada Wajaale ayaa sheegaya in Taliyihii guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor, Gaashaanle Dhexe Xasan Ciraaqi, ay ciidamada Somaliland xabsiga u taxaabeen xilli uu ku sugnaa magaaladaas.
Waxa uu sarkaalkan doonayay inuu usii gudbondhinaca magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka oo uu kasoo jeedo.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Somaliland ayaa xaqiijiyay xarigga taliyahan, balse faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta loo xiray weli lagama hayo dhinaca maamulka Hargeysa.
Gaashaanle Dhexe Xasan Ciraaqi ayaa loo aqoonsan yahay mid kamid ah saraakiisha ugu caansan ee ciidanka milatariga Soomaaliya, waxaana uu si weyn uga soo muuqday dagaallo kala duwan oo ka dhacay gudaha dalka, xilli uu hoggaaminayay cutubyo ka tirsan guutada 18-aad ee Gorgor.
Xariggiisa ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni ay ka taagan yihiin gudaha Soomaaliya, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.