Thursday, August 20, 2026
Home NEWS Soomaaliya Iyo Pakistan oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga difaaca

Soomaaliya Iyo Pakistan oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga difaaca

3

Aug 20(Jowhar)- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Arbacadii kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan u fadhiya magaalada Muqdisho, Marwo Aqsa Nawaz, isaga oo kala hadlay arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, hirgelinta Is-afgaradka labada dal, iyo sidii loo dardargelin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada tababarka, tayeynta iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo ballaarinta iskaashiga amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, iyadoo lagu saleynayo danaha wadajirka ah iyo is-ixtiraamka labada dal.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, iyo U-qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Pakistan, Kornayl Maxamed Inam Khattak.