Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 165 muwaadin oo ku dhibbanaa Liibiya

0
45

Nov 20(Jowhar)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaysatay in ay dalka dib ugu soo celiso maanta 165 muwaadin oo Soomaaliyeed oo xaalado iyo duruufo adag ku haystay dalka Liibiya.

Muwaadiniintani laga soo daad-gureeyay dalka Liibiya, ayaa 152 ka mid ah laga dejiyay caasimadda Muqdisho, halka 13 laga dejiyay magaalada Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa dadaal weyn ku bixiyay ka war-qabka iyo u doodidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada iyo kuwa dhibban dalka dibaddiisa.

Waxaa xusid mudan in 27 Oktoobar, dalka dib loogu soo celiyay 160 muwaadin oo laga soo daad-gureeyay dalka Yemen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa dadaal lixaad leh ku bixisay soo badbaadinta iyo dib ugu celinta dalka muwaadiniin kala duwan.

13 bishan November, ayaa Wasaaraddu ku guulaystay dadaal diblomaasiyadeed iyo wadahadallo labo geesood ah oo ay la yeelatay Dowladda Togo in xabsiyada dalkaasi laga soo siidaayo 16 muwaadin oo muddo sanad iyo sagaal bilood ku xabisnaa.