Jan 07(Jowhar)-Sacuudiga ayaa sheegay inuu fuliyay “weerarro xaddidan” oo uu la beegsaday goobo uu adeegsanayay hoggaamiyaha gooni-u-goosadka koonfureed Caydaruuus al-Zubaidi.
Bartilmaameedka ugu weyn ayaa ahaa xero ku taalla gobolka Dhale, oo ku yaalla koonfurta Yemen.
Arrintan waxay dhacday saacado kaddib markii al-Zubaidi uu ku guuldarreystay inuu raaco diyaarad loo qorsheeyay inay u qaaddo Riyaad, halkaas oo la filayay inuu kaga qayb galo wadahadallo.
Sacuudiga ayaa sheegay in Caydaruuus uu u baxsaday meel aan la garanayn.










