Aug 16 (Jowhar)-Tirada dadka ku dhintey doon rakaab ah oo ku rogmatay dalka Zimbabwe kadib markii maanta laga soo saaray seddeed meyd ah harada Kariba.Howlgallada baaritaanka iyo raadinta ayaa weli socda, iyadoo mas’uuliyiintu ay ka cabsi qabaan in tirada dadka waxyeelladu soo gaartay ay sii kordhi karto.
Shaqaalaha gurmadka iyo dadka maxalliga ah ee wada doonyaha ayaa ka qayb qaadanaya howlgallada raadinta iyo soo saarista meydadka oo ka socda meel u dhow doontii rakaabka ee ku rogmatay harada Kariba,maalin ka dib markii ay doontu rogmatay.
Doontan rakaabka oo ay saarnaayeen dad ka badan intii loogu talagalay, isla markaana ay maamulaysay Hay’adda Horumarinta Kaabayaasha Miyiga ee dowladda (RIDA), ayaa rogmatay xilli ay biyuhu kacsanayeen maalintii Talaadada, waxayna ahayd shil naadir ah oo ka dhacay haradaas ballaaran ee ku taal xadka ay wadaagaan Zimbabwe iyo Zambia.
“Tirada dadka ku dhintay shilka doonta Kariba RIDA ayaa hadda gaartay 80 qof ka dib markii la helay siddeed meyd oo dheeraad ah,” ayay booliisku ku sheegeen bayaan.
Waxaa la rumeysan yahay inay tahay musiibadii ugu dhimashada badnayd ee nooceeda ah ee dalka ka dhacda.
Kooxaha gurmadka iyo raadinta ayaa Sabtidii helay 25 meyd, taas oo tirada guud ee xilligaas dhimashada ka dhigtay 72.
Booliisku ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan dadka cusub ee dhintay, balse inta badan rakaabka saarnaa doonta waxay ahaayeen dadka tuulooyinka iyo ganacsatada kalluunka ee ku nool hareeraha harada, kuwaas oo badankoodu ka yimaadeen xarunta kalluumeysiga ee Chalala.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in doontu ay haysatay ogolaansho ay ku qaadi karto 90 qof, balse ay saarnaayeen 114 qof oo waaweyn, shan xubnood oo shaqaalaha doonta ah iyo tiro aan la cayimin oo carruur ah.
Qaybta ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka ayaa Arbacadii sheegtay in la badbaadiyay 77 qof.
Marka lagu daro 80-ka meyd ee booliisku sheegeen inay heleen, tani waxay ka dhigan tahay in doontu ay sidday 157 qof.Mas’uuliyiintu ma aysan sheegin tirada carruurta ku jiray dadka dhintay.
Doontu waxay ahayd gaadiid muhiim u ah bulshooyinka miyiga ah ee ku nool hareeraha harada iyo magaalada Kariba, taas oo qiyaastii 280 kiiloomitir (175 mayl) dhanka waqooyi-galbeed kaga taal caasimadda Harare.
Boqolaal qof ayaa Sabtidii isugu soo baxay isbitaalka degmada Kariba si ay u aqoonsadaan meydadka qaraabadooda iyo dadkii ay jeclaayeen.





