July 30 (Jowhar)-Waxaa goor dhow bilowday tirinta codadka doorashada isku sidkan ee saaka ka bilaabatay dowlad goboleedka Galmudug kadib markii la soo xirey goobaha codbixinta.
Doorashadan oo ahayd tii ugu horeysay oo muddo ka badan konton sano ka dhacday Galmudug ayaa waxaa laga qabtay ku dhowaad 300 oo goobood oo ka tirsan 11-degmo oo Galmudug ah.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Galmudug Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in guud ahaan doorashadu ay u dhacday si habsami leh, ayna xirmeen goobaha codbixintu waqtigii loogu talo galay, balse ay jireen goobo shaqeeyey waqti dheeraad ah, maadaama wali ay dad codbixiyaal ah ay safka ku jireen.
Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey bulshada Galmudug, ciidamada amniga, ururada siyaasadda iyo dhammaan dhinacyada ay quseyso doorashadu.
Gudoomiyaha ayaa ka digay in la baahiyo macluumaad doorashada la xiriira oo aan guddiga laga soo xigan, waxaana uu caddeeyey inay baaritaan ku hayaan falal hab-raaca doorashada khilaafsan oo goobaha qaarkood ka dhacay.





