Saturday, March 14, 2026
Home NEWS Trump oo codsaday in laga caawiyo sidii loo furi lahaa Marinka Hormuz

Trump oo codsaday in laga caawiyo sidii loo furi lahaa Marinka Hormuz

39

Mar 14(Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weydiistay dalal badan oo ay ku jiraan UK iyo Shiinaha inay maraakiib dagaal u soo diraan marin biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim ah oo maraakiibta saliidda qaada, iyadoo qiyaastii 20% saliidda adduunka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in si kasta oo ay ahaataba, dhowaan aan ka dhigi doono Marinka Hormuz mid “FURAN, AMMAAN AH, oo XOR AH!”

Qoraal uu soo dhigay barta uu leeyahay ee Truth Social, ayuu ku qoray inuu rajeynayo in dalalka Shiinaha, Faransiiska, Jabbaan, Kuuriyada Koonfureed iyo UK ay maraakiib dagaal u soo diraan marinka muhiimka ah ee maraakiibta si uusan khatar dambe ugu noqon” dalka Iiraan.

Wuxuu intaas ku daray in dalal badan ay soo diri doonaan maraakiib dagaal si marinka muhiimka ah looga dhigo mid furan oo ammaan ah.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in Mareykanku uu si ba’an u duqeyn doono xeebaha, uuna si joogto ah badda ugu dhex toogan doono doomaha iyo maraakiibta Iiraan”.

Wuxuu ku andacoooday in Mareykanku uu baabi’iyay 100% awooddii milatari ee Iiraan, balse wuxuu sheegay inay weli u fududahay inay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, miinooyinka, iyo gantaallada ridada gaaban.

Tiro maraakiib ah oo gaaraya 16 ayaa la weeraray sida laga soo xigtay hawlgallada ganacsiga badda ee UK – iyagoo ka shaqeynayay marinka ama meel u dhow tan iyo markii uu dagaalku bilowday 28-kii Febraayo
Khamiista, hogaamiyaha cusub ee ugu sarreeya Iran Mojtaba Khamenei ayaa wacad ku maray inuu sii wadi doono xannibaadda marinka.

Ilaa 3,000 ama wax ka badan markab ayaa sida caadiga ah mar marinka bil kasta. Sannadkii 2025, qiyaastii 20 milyan oo fuusto oo shidaal ah ayaa soo marayay marinka maalintiiba.