Trump oo kudhawaaqay in ICE ay ka baxayaan gobolka Minnesota

61

Jan 26(Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Hay’adda Laanta Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ay “qabteen shaqo wanaagsan,” isla markaana ay ka bixi doonaan gobolka Minnesota.

Trump ma uusan caddeynin waqtiga rasmiga ah ee ay ciidamada ICE ka bixi doonaan gobolka, balse hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli uu sii kordhayo cadaadis ballaaran oo saaran maamulka Trump, kaasoo lagu dalbanayo in ICE laga saaro Minnesota, kaddib eedeymo la xiriira hab-dhaqankooda.

Dhanka kale, madaxweynayaashii hore ee Mareykanka Bill Clinton iyo Barack Obama ayaa si kulul u dhaleeceeyay tallaabooyinka ay ICE ka fulisay gobolka Minnesota, iyagoo ku tilmaamay kuwo dhaawacaya xuquuqda aadanaha isla markaana hurinaya xiisad bulsho.

Illaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Minnesota ama hay’adda ICE oo si faahfaahsan uga jawaabaya hadallada Trump ama dhaleeceynta ay jeediyeen madaxweynayaashii hore.

Arrintan ayaa weli ah mid si weyn looga doodayo gudaha Mareykanka, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin iyo go’aanno rasmi ah.