Tuesday, March 17, 2026
Home NEWS Trump oo loo fasaxay in muhaajiriinta uu u tarxiili karo dalal aysan...

Trump oo loo fasaxay in muhaajiriinta uu u tarxiili karo dalal aysan u dhalan

12

Mar 17(Jowhar)-Maxkamada Racfaanka ayaa u fasaxday maamulka Trump in muhaajiriinta sharci darada ah ay u tarxiili karaan dalal aysan u dhalan.

Bishii hore ayaya ahayd markii garsoore Brian Murphy ay si kumeel gaar ah u mamnuucday in dadka loo tarxiilo wadan aysan u dhalan, balse go’aankaas waxaa hadda laashay maxkamada racfaanka.

Xukuumada Trump ayaa horay heshiisyo ula gashay wadamada Cameroon, South Sudan iyo Eswatini si loogu tarxiilo dadka ay diidaan in ay qaabilaan wadamadii ay u dhasheen.