Saturday, April 4, 2026
Home NEWS Trump oo markale hanjabaad kulul ka soo saaray dagaalka Iran

Trump oo markale hanjabaad kulul ka soo saaray dagaalka Iran

97
5 takeaways from Donald Trump's televised address
Donald Trump touted the US military's successes in the conflict but questions remain about whether he has truly achieved the main goal he laid out at the start of the war

Apr 04(Jowhar) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markale ugu hanjabay Iran inay la kulmi doonto cawaaqib xun haddii aysan 48 saacadood aysan heshiis la gaarin amaba ay dib u furin Marinka Hormuz.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, wuxuu ku qoray: “Xasuuso markii aan Iran siiyay toban maalmood si ay HESHIIS U GAARAAN ama U FURAAN MARINKA HORMUZ. Waqtigu waa dhammaanayaa.”

“48 saacadood ka hor intaan Cadaab oo dhammi ku soo degin iyaga.”ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.
Taariikhdu markii ay ahayd 27-kii Maarso, Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu hakinayo weerar kasta oo lagu qaado xarumaha tamarta ee Iran muddo 10 maalmood ah laga bilaabo xilligaas.

Hanjabaadan ugu dambeysay ayaa ku soo beegantay xilli ay Ciidamada Iran iyo kuwa Mareykanka ay baadi goobayaan duuliye Mareykan ah oo lagu waayay mid ka mid ah labadii diyaaradood ee lagu soo riday hawada Iran iyo Khaliijka,