Feb 07(Jowhar)-Warar hoose oo laga helayo Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweyne Trump u qaabilsan Afrika, Massad Boulos, uu qorsheynayo safar uu ku yimaado Muqdisho.
Kaas oo la xiriira wada-hadallo ku saabsan heshiisyo Macdan Naadir ah (Rare Earth Minerals) oo Maraykanku doonayo inuu la galo dalal Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskan mid kor u qaadi kara xiriirka Washington isla markaana yareyn kara culayska siyaasadeed ee saaran Madaxweyne Xasan Sheekh.
Saraakiil sare ayaa xaqiijiyay in wafdigan uu yahay kan ugu miisaanka culus ee ka imanaya maamulka Trump, islamarkaana ay socdaan diyaar-garroowgiisa.
Ninkaan oo sidoo qaabilsan dalalka Carabta ayaa ka mid ah saaxiibada gaar ah ee Soomaaliya. Taliye ku xigeenka AFRICOM ayaa maalmo ka hor sheegay in Maraykanku doonayo macdan qaali ah oo ku jirta xeebaha Muqdisho taas oo hadii lagu heshiiyo Soomaaliya ay ku helayso amni sida uu sheegay.










