Tuesday, April 7, 2026
Home NEWS Trump oo sheegay in caawa halis weyn ay ku dhaceyso Iran

Trump oo sheegay in caawa halis weyn ay ku dhaceyso Iran

1

Apr 07(Jowhar)-Donald Trump ayaa sheegay in xaalad halis ah ay caawa ka dhici karto Iran, isagoo ka digay in “ilbaxnimo dhan ay baabi’i karto caawa”.

Trump wuxuu sheegay in isbeddel buuxa oo nidaamka ah (Regime Change) uu dhacay, isla markaana uu rajeynayo in hoggaan cusub oo ka duwan kii hore uu soo baxo.

Wuxuu intaa ku daray in 47 sano oo uu ku tilmaamay “musuqmaasuq iyo cabburin” ay dhammaan karaan, isagoo ugu dambeyn u duceeyay shacabka Iiraan.

Trump warbaahinta kudhaw ayaa sheegaya in uu amray weeraro aan caadi aheyn oo lagu qaadayo gudaha Iran, kuwaas oo sida muuqata katagi doona raad aan Barriga Dhexe u wanaagsaneyn.