Jan 03(Jowhar)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela, isla markaana la qabtay Madaxweynihii dalkaaa Nicolás Maduro, isaga iyo xaaskiisa.
Trump oo bartiisa Truth Social soo dhigay qoraal ayaa yiri “Dowladda Maraykanka waxay si guul leh u fulisay weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela iyo hoggaamiyaheeda Madaxweyne Nicolás Maduro, kaas oo isaga iyo xaaskiisa la qabtay laguna qaaday diyaarad, loona saaray meel ka baxsan dalka.










