Jun 13 (Jowhar)-Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran uu qorsheynayo in la saxiixo Axada, kaddib markii Iran ay shaki gelisay waqtiga.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Trump ku sheegay in marin-biyoodka Hormuz oo ah marin muhiim u maraakiibta dhammaantiis la furi doono marka la isku raaco heshiiska.
Waxa Qoraal uu soo dhigay Truth Social, Trump ku daabacay: “Heshiiska waxaa loo qorsheeyay in la saxiixo berri, isla markiiba ka dib marka la saxiixo, marin biyoodka Hormuz wuu u furan yahay dhammaantiis.”
Pakistan, oo ah dhexdhexaadiye muhiim ah, ayaa sidoo kale sheegtay in la filayo in heshiiska lagu soo gabagabeeyo 24 saacadood gudahood.
Kahor hadalka Trump, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa muujiyay taxadar ku saabsan waqtiga isagoo shaki geliyay in heshiiska la saxiixi doono Axada.
“Waa inaan sugno oo aan aragnaa taariikhda saxda ah ee saxiixa heshiiska isfahamka, inkastoo aysan noqon doonin berri.”ayuu yiri
Tobannaan sano, Iran waxa ay ku eedaynayeen waddamada reer galbeedka in ay isku dayday in ay samaysato hub nukliyeer ah.
Balse Iran waxay beenisay eedeymaha iyadoo sheegtay in barnaamijkeedu uu yahay ujeeddooyin nabadeed oo ah si loo dhaliyo koronto iyo ujeeddooyin cilmi baaris.
Jimcihii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Seyed Abbas Araghchi, ayaa sheegay in heshiis lala galo Mareykanka uu aad u dhow yahay.
Araghchi ayaa u sheegay TV-ga qaranka Iran in heshiiska uu ka mid yahay in dib loo furo marin biyoodka Hormuz iyo sidoo kale qaadista xayiraadda uu Mareykanka saaray dekedaha Iran.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in wadahadalada barnaamijka Nukliyeerka Iran ay dib u bilaaban doonaan.
Saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyay qaar ka mid ah faahfaahinta heshiiska, iyagoo sheegay in faa’iidooyinka dhaqaale ee Iran ay ku xiran tahay Tehran oo ay ka soo baxdo waajibaadkeeda.
Warbixino hore oo ka soo baxay Mareykanka ayaa soo jeediyay in Lubnaan aysan qeyb ka ahayn heshiiskan – iyadoo Iran la sheegay inay ku adkeysaneyso.
Dagaal u dhexeeya Maraykanka Israil oo dhinac ah iyo Iraan ayaa ku billowday weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen guud ahaan dalka Iiraan 28-kii bishii February, taasoo keentay in Iiraan ay weerarto
Israa’iil iyo dalalka xulafada la ah Mareykanka ee Gacanka-sidoo kale waxay si waxa ay xirtay marin-biyoodka Hormuz oo ah marin muhiim ah oo ay maraan saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dunidu .
Inkasta oo ay ku heshiiyeen xabbad-joojin bishii Abriil, Maraykanka iyo Iran waxay isweydaarsadeen rasaas goos goos ah, oo ay ku jiraan laba weerar toddobaadkan.










