Saturday, July 11, 2026
Home NEWS Trump;”Waxaaan u diyaarsanay kun gantaal Iran haddii ay isku daydo inay i...

Trump;”Waxaaan u diyaarsanay kun gantaal Iran haddii ay isku daydo inay i disho”

114
Trump says ceasefire with Iran 'is over'
Trump says ceasefire with Iran 'is over'

July 11 (Jowhar)- Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa uga digey dowlada Iran inay isku daydo inay qaarijiso waxana uu sheegay in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu gebi ahaanba baabi’iyo oo uu burburiyo Iiraan haddii isku day dil dhaco.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Truth Social ayuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu kumanaan gantaal ku ridi doono Iiraan haddii ay isku daydo inay disho.

“1000 gantaal ayaa la diyaariyay waxaana lagu bartilmaameedsanayaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo kumanaan kale ay isla markiiba raacayaan, haddii Dowladda Iiraan ay isku daydo inay ka dhabayso hanjabaadeeda, oo laga sheegayo meelo badan oo Caalamka ah, inay disho, ama isku daydo inay disho, Madaxweynaha Mareykanka ee hadda xilka haya ee aniga ah” ayuu yiri.

“Amarro ayaa horey loo bixiyay, Ciidanka Mareykankana waxayna diyaar u yihiin, oo awoodaan muddo hal sano ah inay si buuxda u burburiyaan oo ay u burburiyaan dhammaan aagagga Iiraan.”ayuu sii raaciyay.

Aaskii dhawaan loo sameeyay Hogaamiyihii hore ee Iran Ayatullah Khomeini ayaa laga sheegay in loo aargudi doono dadkii ka dambeeyay dilkiisa. Waxayna taasi sababtay in Madaxweynaha Maraykanka uu soo wajaho walwal weyn ee la xiriirta in laga yaabo in la doonayo in la qaarijiyo.