Jun 17 (Jowhar)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku sugan Faransiiska oo uu kaga qayb galayo shirka G7 ayaa sheegay heshiiska Iiraan ay la galeen uu yahay mid aan weli la dhammaystirin ayna suurtagal tahay inuu duqaymaha dib u bilaabo haddii aanu ku qancin fulinteeda.
Trump oo ka hadlayay kulan doceedyada shirka G7 ayuu yiri ‘’Kani waa heshiis is-afgarad ah,’’
‘’Haddii aanan anigu jeclayn, dib ayaanu u bilaabayaa inaan bambaanooyinka ku garaacano iyaga, Haddii aysan si wanaagsan u dhaqmin, waxaynu dib ugu laabanaynaa duqaymaha’’.
Iran ayaa ku eedaysay Israa’iil inay ku xad gudubtay xabbad joojinta Lubnaan 84 jeer tan iyo markii ay heshiiska la gaartay Mareykanka waxayna ka digtay jawaab adag haddii weeraradu sii socdaan.
Digniintan ayaa timid ka dib markii ciidamada Israa’iil ay afar qof ku dileen koonfurta Lubnaan, wuxuuna Trump dhaleeceeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo sheegay inay tahay inuu mas’uul dheeraad ah ka yeesho Lubnaan.
Markab saddexaad oo siday Saliid Iran ayaa ka shiraacday khadka go’doominta ee ciidamada badda Mareykanka ee gacanka Cumaan, sida ay sheegtay TankerTrackers.
Trump ayaa sheegay in heshiiska aysan ku jirin in si degdeg ah loo qaado cunaqabataynada saaran Iiraan, waxaana uu adkeeyay inuu bixin doono faahfaahin dheeri ah oo arrintan la xiriirta goor dambe.










