Turkiga oo ku baxay xalinta xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta

48

Jan 14(Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta oo Arbaco ah booqasho rasmi ah ku tegaya magaalada Abu Dhabi ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Safarka Wasiir Fidan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha amniga iyo siyaasadda ee gobolka Geeska Afrika iyo Gacanka Carabta. Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in ajandaha kulammada uu kamid yahay xaaladaha ka taagan dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen, kuwaas oo wajahaya caqabado dhanka amniga iyo xasilloonida ah.

Inta uu ku sugan yahay Abu Dhabi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda sare ee Imaaraadka, iyagoo ka wadahadli doona iskaashiga labada dal, dadaallada nabadeynta, iyo kaalinta ay dalalku ku leeyihiin xallinta khilaafaadka gobolka.

Booqashadan ayaa imaneysa xilli Turkiga iyo Imaaraadku ay xoojinayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, islamarkaana ay wadaagaan dano ku saabsan xasillinta iyo horumarinta dalalka ay saameeyeen colaadaha Bariga Dhexe iyo Afrika.