Dec 13(Jowhar)-Dowladda Türkiye ayaa si rasmi ah u bilaabay dhismaha saldhigga Dayax Gacmeedka ee ay ka hirgelinayso gudaha Soomaaliya, sida uu shaaciyay Agaasimaha Tiknoolajiyada ee shirkadda Baykar Selçuk Bayraktar.
Bayraktar oo ka hadlayay muhiimadda mashruucan ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay goob juqraafi ahaan aad ugu habboon oo u dhow khadka Dhul-baraha taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah meelaha dunida ugu wanaagsan ee laga bilaabi karo gantaalada hawada sare.
“Turkey waxay leedahay saldhig hawada sare oo ku yaalla Soomaaliya, meel u dhow Dhul-baraha. Haddii aad leedahay xeeb ku fidsan bad weyn, waxaad awood u leedahay in aad daahfurto gantaalada. Adduunka waxaa jira kaliya 12 meelood oo sidan oo kale u habboon. Mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan waa kan Soomaaliya laga dhisayo,” ayuu yiri Bayraktar.
Bayraktar wuxuu sheegay in mashruucan ay si toos ah u maalgelineyso dowladda Turkiga, isla markaana dhismahiisu durba ka socdo gudaha Soomaaliya.
Sida uu sheegay, saldhiggu wuxuu ku fadhin doonaa dhul 30KM ah, waxaana addeegsan doonta shirkadda ROKETSAN oo hormuud u ah tiknoolajiyada gantaalada ee Turkiga. Mustaqbalka dhow, Turkida waxay qorsheyneysaa in ay halkaas ka hirgeliso meel laga fuliyo hawlgalladeeda gaarka ah ee dayuuradaha hawada sare u kacaya.
Mashruucan ayaa loo arkaa mid sare u qaadaya xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana noqon kara saldhigii ugu horreeyay ee Afrika laga hirgeliyo oo si rasmi ah loogu talagalay duulimaadyada hawada sare.










