Nov 05(Jowhar)-Ilo ku dhow dhow wada hadalada Kismaayo ee u dhaxeeya Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo Madaxwynaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in wada hadalo soo billowday gelinkii dambe ee maanta la wali isku mari la’yahay.
Wada hadaladan oo labo weji ahaa, midka koowaad waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Sirdoonka Kenya oo garwadeen ka ahaa wada xaajoodkan, waxaana qeybta labaad ee wada hadalka uu ahaa mid ay keli- ku ahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe.
Illaa iyo hadda war rasmi ah lagama soo saarin, Iyadoo dhinacyadu ay ku dhegan yihiin mowqifyadooda hore. Guriga Martida Kismaayo ee ku yaalla dhanka Badda ayay wada-joogaan Madaxda, waana suura gal in mar kale wada hadal la isku soo laabto caawa illaa gelinka hore ee berri.