Sep 01 (Jowhar)-Wafdi ka socda Imaaraadka Carabta ayaa mar kale galabta socdaal ku yimid magaalada Muqdisho, iyadoo diyaarad gaar ah oo siday wafdigan ay ka degtay dhanka Hangarka Qeybta Afisyooni.
Ilo kala duwan ayaa sheegaya in wafdigan loo galbiyay Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana xubnaha Imaaraadka ee yimid ku jiray Ganacsato.
Lama oga illaa hadda ujeedada safarka xubnahan ka socda Imaaraadka Carabta, waxaase la sheegayaa inay daba socdaan wafdi maalmo ka hor yimid Muqdisho oo uu hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Sheikh Shakhbuut, saacado kaddiv markii uu Muqdisho soo gaaray Taliyaha Sirdoonka Suudaan.
Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan qorsheynayo inuu safro Imaaraadka Carabta, si mar kale Madaxweynuhu u xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii u dambeeyay mugdi galay.