Wednesday, February 4, 2026
Home NEWS Wararkii u danbeeyay khasaaraha dagaal Xooggan oo ka dhacay Baydhabo

Wararkii u danbeeyay khasaaraha dagaal Xooggan oo ka dhacay Baydhabo

1

Feb 04(Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare kala duwan sababay oo magaalada Baydhabo ku dhaxmaray ciidan uu hogaaminayo sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Nishoow oo horay ugu tirsanaa saraakiisha Ciidanka Xooga ee qeybta 60-aad iyo kuwa maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Dagaalka ayaa la tilmaamay in uu ka bilowday koonfurta magaalada waxaana goobjoogayaal aan la hadalnay ay inoo sheegeen in dagaalka uu kusii fiday gudaha magaalada.

Muran dhul ayey wararku sheegayaan inuuu salka ku hayo dagaalku,Wararka qaar ayaa sheegaya in Suuqa ganacsiga ugu weyn Baydhabo uu ku dhacay Hoobiye sida  laga arkayo muuqaalada iyo sawirada laga helayo Baydhaba.