Wednesday, March 18, 2026
Home NEWS Wararkii ugu dambeeyay duqeyn loo geystey Qadar iyo Sacudi Carabiya

Wararkii ugu dambeeyay duqeyn loo geystey Qadar iyo Sacudi Carabiya

13

Mar 18(Jowhar)-Hoggaamiyaha cusub ee Iran Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in Israa’iil ay ka shalaay doonto dilkii ay u geysatay saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan ammaanka Iran laba maalmood gudahood, kaasoo uu ugu dambeeyay wasiirkii sirdoonka, Esmail Khatib.
Xarunta Qatar ee gaaska dareeraha ah Ras Laffan (LNG) ayaa la kulmaya weerar ay ku qaadeen gantaalada Iran, kuwaas oo sababay khasaare ballaaran, sida ay sheegtay QatarEnergy.
Waxaa jira burbur ballaaran oo ka dhashay weerarrada gantaallada ee lagu qaaday goobta warshadaha ee Ras Laffan.

Ras Laffan ayaa ka mid ahaa goobaha ay Iran ku digtay digniin ah in ay qaadi doonto tallaabo adag ka dib markii xarunteeda gaaska South Pars lagu soo waramayo in ay duqeeyeen Israel.

Weerarkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ay ku hanjabeen inay weerari doonaan xarumaha saliidda iyo gaaska ee Qatar, Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carabta si ay uga aargoostaan ​​weerar ay Israa’iil ku qaadday gaaska South Pars.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar ayaa amartay in ku-xigeennada milateri iyo amniga Iiraan iyo shaqaalahooda ay ka baxaan dalka kadib weerarkii lagu qaaday aagga warshadaha ee Ras Laffan ee Qadar.

Waxaa loo qabtay 24 saac gudahood inay uga baxaan dalka, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda, taasoo tilmaamtay in ay ka dambeysay weerarro isdaba joog ah oo Iiraan ay ku qaaday dalkaasi.

Wakaalada wararka Fars ayaa soo warisay in weerar gantaal lagu qaaday warshad sifaynta gaaska dabiiciga ee dareeraha ah ee LNG oo ku taalla Baxreyn, taas oo la rumeysan yahay inay muhiim u tahay Maraykanka, isla markaana ay sababtay burbur iyo waxyeelo culus oo soo gaartay waddada isku xirta Bahrain-Saudi Arabia.”

Warshaddu waxay ku taallaa meel u dhow buundada isku xirta Bahrain iyo Saudi Arabia, waxaana warbixinnadii hore ay muujinayaan in buundada la burburiyey ama si daran waxyeelo usoo gaartay kadib qarax ka dhacay warshadda sifaynta.
Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen haraadi kasoo dhacay gantaal ballistic ah oo lagu qabtay hawada sare ee Riyaad.