Apr 06(Jowhar)-Wariye Hafid Nor Barre oo ka howlgala telefishinka Somali Cable TV, ayaa maalinkii 6-aad ku jira xabsi ay maamusho dowladda Soomaaliya, iyadoo bahda warbaahinta Soomaaliyeed ay walaac ka muujinayaan xariggiisa islamarkaana ay dalbanayaan in si degdeg ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo.
Sida ay sheegayaan wararka la helayo, wariyaha ayaa la xiray kowdii bishan April, ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta keentay xariggiisa, qoyska iyo saaxiibbadiis ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladdiisa, iyagoo sidoo kale dalbanaya in loo oggolaado inuu helo xuquuqdiisa sharciyeed.
Ururrada u dooda saxafiyiinta iyo qaar ka mid ah wariyeyaasha dalka ayaa cambaareeyay xarigga wariyaha, iyagoo ku baaqay in haddii ay jiraan eedeymo loo haysto si sharci ah maxkamad loo horgeeyo, balse aan lagu hayn xabsi muddo dheer iyadoo aan dacwad la soo bandhigin.
Bahda warbaahinta ayaa sidoo kale xusay in xorriyadda saxaafaddu ay tahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda iyo helitaanka xog sax ah, sidaas darteedna ay muhiim tahay in saxafiyiinta loo oggolaado inay shaqadooda gutaan iyagoo aan cabsi qabin.
Dhanka kale, weli wax war ah kama soo bixin hay’adaha amniga ee ku aaddan sababta xarigga wariyaha Xaafid Nuur, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay ka hadlaan arrinta.
Kiiskan ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada iyo gudaha warbaahinta, halkaas oo dad badan ay ku dalbanayaan in wariyaha si degdeg ah loo sii daayo.










