Apr 07(Jowhar)-Wasiirka Dekedaha JFS, Mr.Jaamac ayaa noqonaya xildhibaan Golaha Shacabka JFS, iyada oo mudanihii ku fadhiyey kursigaasi uu noqonayo Xildhibaan Koonfurgalbeed isuna sharraxayo Guddoomiyaha Baarlamanka KGS.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS, Sh.Aadan Madoobe ayaa la tibaaxayaa in DFS ay u riixayso Madaxweynaha Koonfurgalbeed, iyada oo Guddoomiyaha Golaha Shacabkana uu raadin doono Wasiir Jaamac oo hadda soo qaatay kursiga beesha, sida ay tilmaameen ilo-wareedyada Baydhaba.
DFS waxay dooneysaa in sannad kale sii joogto xilka sida uu qabo Dastuurka cusub, mucaaridkuse waxay leeyihiin; Bisha Maay waa in ay baxdaa, balse Villa-Somalia waxay wadataa howleheeda lamana kulmayso mucaarid xoog leh.










