Jan 27(Jowhar)-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Dhucle oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekadaha Axmed Yusuf Cabdulle ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Turkiga Durmuş Ünüvar.
Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee kor u qaadista iskaashiga kaabayaasha dekadaha iyo horumarinta adeegyada istaraatiijiga ah ee badda.
Inta ay wafdigu ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, waxay ay kulamo la yeelan doonaan madaxda sare ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga, iyo horumarinta wax wada qabsiga la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha.











