Wasiirada Jubaland oo ka digay cawaaqibka fara gelinta dowladda ee gobolka Gedo

0
146

Nov 09(Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay faragelinta sharci-darrada ah ee Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo laga digay in ay sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa maanta ansixiyay Xeerka Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Dowladda Jubaland, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, oo cadadkeedu yahay 67,213,424.21.