Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga oo olole ka dhan ah Imaaraatka u tagay Mareykanka

501

Jan 07(Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Farhan, ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Mareykanka, isagoo bilaabay booqasho rasmi ah oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Booqashadan ayaa loo arkaa mid istiraatiiji ah, marka loo eego xaaladaha cakiran ee ka jira gobolka Bariga Dhexe iyo isbeddellada siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday Gobolka Geeska iyo Gacanka Cadan.

Wasiir Farxaan ayaa olole weyn oo caalami ah ugu jira midnimada dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Suudaan. Socdaalkiisa kahor waxaa uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo dhawaan Riyaad ku booqday.