Monday, February 9, 2026
Home NEWS Wasiirka caafimaadka oo kulan la qaatay agaasimaha guud ee heyada WHO

Wasiirka caafimaadka oo kulan la qaatay agaasimaha guud ee heyada WHO

34

Feb 09(Jowhar)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Ali Haji Adam Abubakar, ayaa magaalada Geneva kulan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo WHO, gaar ahaan helitaanka adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah, taageerada hooyada iyo dhallaanka, horumarinta tababarka umulisooyinka, iyo doorka Soomaaliya ee Guddiga Fulinta ee WHO.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee WHO ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay sii wadidda wada-shaqaynta dhow ee lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka Soomaaliya, gaar ahaan xaaladaha adag iyo goobaha nugul.