Thursday, February 12, 2026
Home NEWS Waxgaradka SSC Khaatumo oo la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha ee XFS

Waxgaradka SSC Khaatumo oo la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha ee XFS

2593

July 15 (Jowhar)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi Cali Xirsi Timacadde iyo Wasiirka Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha XFS Xil. C/laahi Bidhaan Warsame.

Ayaa si wadajir ah kulan ula qaatay mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC Khaatumo.

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, muhiimadda Nabadda, Wadajirka iyo Ilaalinta Midnimada.