Saturday, February 14, 2026
Home NEWS xamze oo xalay la kulmay Deni iyo Madoobe

xamze oo xalay la kulmay Deni iyo Madoobe

32

Feb 14(Jowhar)-Ra’iisul wasaaraha dalka Xamze Cabdi Barre ayaa xalay fiidkii kulamo gaar gaar ah lakala yeeshay madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Mr. Xamze oo ay wehliyaan wasiiradiisa Amniga iyo Arrimaha Gudaha ayaa tagay Airport Hotel oo ay dagan yihiin labada madaxweyne, isagoo kulamo qiyaastii socday min 30 daqiiqo lakala yeeshay labada madaxweyne oo ay isugu kaliyoobeen.

Dhinacyadu wali wax war ah meysan kasoo saarin kulamadan, isagoo kusoo aaday xili xasaasi ah oo ay taagan tahay muranka arrinaha doorashooyinka.

Kulankaasi waxaa barbar socday mid ay yeesheen madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad, iyadoo kulamadan hoos loogu dhigay carrada xubnaha Golaha Mustaqbalka ee xanibaada laga saaray iney si caadi ah dhaq dhaqaaq uga sameystaan gudaha xerada Xalane.