Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo yeeshay wadahadal khadka Tilifoonka ah

0
113

Aug 24 (Jowhar) Warar hoose oo aan helay ayaa sheegaya in khadka telefoonka ay ku wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Wadahadalkan ayaa la sheegay inuu fududeeyay Taliyaha Sirdoonka Kenya Noradin Yusuf Xaaji oo maalmo ka hor safar qarsoodi ah ku tagay Kismaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wada hadalka taleefanka uu ahaa mid koobnaa oo Taliyaha Sirdoonka Kenya ku doonayo inay billow u noqotay qaboojinta xiisada Jubbaland iyo DFS, iyadoo wixii wada hadalka taleefankaas ka dambeeyay uu shalay Axmed Madoobe gaaray magaalada Nairobi.

Khilaafka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kasoo bilowday shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii October 2024, markii la isku mari waayey ajandayaashii la xiriiray guddigii doorashada iyo in doorashooyinka qof iyo cod lagu soo doorto madaxda maamullada, iyadoo xilligaas uu Axmed Madoobe ku dooday in doorashooyinka maamullada ay gooni u qabsadaan, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneysay hal guddi doorasho oo ay dowladda federaalku gacanta ku hayso inay qabtaan doorashada labada heer, waxaana markaas wixii ka dambeeyay khhilaafkaas uu isu bedelay dagaallo culus oo ka dhacay Raaskambooni bishii December 2024 iyo Beledxaawo July 2025, taas oo keentay in ciidamo labada dhinac ah ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka tallaabaan.

Haddaba waxaa isweydiin mudan: maxay tahay danta Dowladda Kenya ee ay ka leedahay in ay waqtigan dhexdhexaadiso labada dhinac, iyadoo la ogyahay inay hore uga caga-jiidaysay? Mala oran karaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo gaaray marxalad aqbalaadda dhex-dhexaadinta isaga iyo Axmed Madoobe, mise dowladda Kenya ayaa ka cabsi qabta dhismaha Jubbaland-ta cusub oo DFS ay qaban qaabadiisa ka wado Garbahaareey?