Monday, July 6, 2026
Home NEWS Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Caleemasaarka Aadan Madoobe

Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Caleemasaarka Aadan Madoobe

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaasi uu uga qeyb galayo Caleema Saarka Hoggaamiyaha iyo Guddoonka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoonka Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, Xubnaha Golaha Wasiiradda heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa hore u gaaray Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo madax kale oo ka socota dowlada federalka iyo tan dowlad goboleedyada dalka.